Inkastoon bu’aan
Ballan kula galaan
Been iyo baroor
Kula baal ordaan

Bariidda macaan
Kugu baabayaan
Boholyoow jacayl
Kugu beerayaan

Bini’Aadankaa lagu bartaa
Markaad baahan tihiyo
Markaad tahay bestaa

Inkastooy bishmaha
Kugu wada boqraan
Ama baarqab iyo
Boqol kaab ku jira

Badi kaa dhigaan
Inkastooy badhkood
Bun kuu tumaan
Balo kuu lulaan

Bini’Aadankaa lagu bartaa
Markaad baahan tihiyo
Markaad tahay bestaa

Bogasha dadkaay
Waxaad tahay bad weyn
Nafku beeg nafbaan
Ku basaasayaa .

Qalbi bayrle baan
Dhirku beerayaa
Axdi baajibaan
Ku buseyl mutee

Hanka baaluqoo
Hay badiyayn
Niyad beeraqdaay
Hay bernuglayn

Bini’Aadankaa lagu bartaa
Markaad baahan tihiyo
Markaad tahay bestaa

Exit mobile version