Heesta Sacdiya - Lyrics
waa qureesh haweenoo
qaadirkeennii uumaa
qaabkaan usameeyoo
ma qof lala simaa jiraa
qadariniyo wanaagiyo
waxaa qayb libaax mudan
qoyskeey kadhalatee
qawlkeedu wacanaa
qalbigii kuraacaa
farxad kuu qushuucee
qiimee jacaylkiyo
qabanqaabi caashaqoo
sacdiya hawsha ila qaboo
xubna dhiigga qaadaa
caashaqaba qaybshoo
ku qulqulay beerkoo
sambada qarqinaayee
maskaxday qaybaad
kaligaa qorsheeysaa
qol wadnaha kuyaallaa
qaaliyeey ku hooyataa
qalbigii kuraacaa
farxad kuu qushuucee
qiimee jacaylkiyo
qabanqaabi caashaqoo
sacdiya hawsha ila qaboo
mcn hawsha ila qaboo.