waan dhintaa waan dheelmadaa
dhaayahaygaan ka jeclaa
waan dhaqaaqay hadaad i idhi
dhagar islaam baan soo duwaa
ayaan wanaagsan wehel isiiya
walaalayaal aheey way walaalayaal

wacadkii iyo waajibkii
walaalwayaal wadadii samayd
markaan ka weecday anaa is waday
anaa is wiiqoo weerkaa is dhigay
ayaan wanaagsan wehel isiiya walaalayaal
ahey way walaalayaal

wiiqmayee weedhay itidhi
wahsadoo waaxyaha igo,ay
anuu wanaagodan wadee
wehel la,aan bay igu wadaan
ayaan wanaagsan wehel isiiya
walaalayaal ahey way walaalayaal

wahsadee warkanaan maqlaa
weecsanee wadnaha i qabtee
hadaan ku waalani ku waabiyee
waa inaan waantoo ruux wayn noqda
ayaan wanaagsan wehel isiiya
walaalayaal ahey way walaalayaal

wanaag nin diido wadkii tahoo
xumaha waalidkoo wanaagsanyee
waayaan arkiyo wax iga dhinaa
naftaydii waaniyo wax u taree
ayaan wanaagsan wehel isiiya
walaalayaal aheey way walaalayaal

Lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version