Gadhkiyo bidaartiyo
Guraday caddaatoo
Haddaad ii gu’ tirisaan
Soddon gaadhi maayee

Wakhtigay guhaadshoo
Sidan ii galaayee

Hawlahan i gubayaa
Ma wax dunida gaadhsiisan baa
Ma wax aniga ii gaara baa
Kala garani waayee
Goohiyo dhibtaan qabo
Guulloow iiga gargaar

Hadday gabadh gashaantiya
Cidi guursan weydoo
Idaylaba gayaankeed
Hadday gacan ka weydo
Gallad sheegan maysee
Cadhaa gawracaysee

Hawlahan i garabgalay
Ma wax dunida gaadhsiisan baa
Ma wax aniga ii gaara baa
Kala garani waayee
Goohiyo dhibtaan qabo
Guulloow iiga gargaar

Gebi iyo xaraar iyo
Garbaa laygu tiirshoo
Waxaan sii gucleeyaba
Dhexda laygu gaadhee
Gees kaloon u weecdiyo
Talo iga gurracantee

Hawlahan i gubayaa
Ma wax dunida gaadhsiisan baa
Ma wax aniga ii gaara baa
Kala garani waayee
Goohiyo dhibtaan qabo
Guulloow iiga gargaar
Maalmo

Exit mobile version