Sida geed caleenloo
Ubax guud ka qariyey
ooy gooni laamaha
ay midiba geesteed
hoobaan is gaadhiyo
guntin midha ah leedahay
oo soo gandoodoo
galka faraqa soo daray
oo godon barwaaqao ah
durdur aan go’ayniyo
gacan webi ku yaala
oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay.
Gabadhyahay kalgaclbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.
Sidaad tahay gamaan faras
senge geesi daaqsaday
oo uu garduur miray
sodon bil iyo gawdeed
uu goobay farowgii
sararta iyo gaajada
oo galangalcooboo
cududuhu gamuurmeen
oo galaba loo raro
sida ramad guyaal dhalay
hadba kaynta geeda leh
oon guluf colaadiyo
weli socoto dheer gelin
Gabadhyahay kalgaclbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.
Sida gubanka qaarkii
dhul gargoorku siman yahay
ama maadh galdhiidhoo
gubatiyo ku taal hawd
oo laba gardhooboo
badhba gees u seexdeen
Oo dharabka iyo geedaha
quruxdooda gaarka ah
ama haro gingimanoo
guud ka xarfanaysoo
shinbiruhu ka giigeen
oon gu iyo jiilaal
midab guurin baad tahay
Gabadhyahay kalgaclbaad
goortaan ku eegoba
qalbigayga gelisaa
waxse aanan garanayn
ii gunuday caashaqe
halka aad i gaadhsiin.