Jacaylkii madaxayga
Marsooyuu ka samaystoo
Minnawaariyo duunyo
Miidhan bu ku xidhaaye
Hay mogaanin badweyn
Buu I muquurinayaa

Inagoo kala maarmin
Marna hayga maqnaan

Gacmahaan kala maarmin
Muxubooy kugu yaale
Makhadaa arligeena
Kolna ku maqli maaye
Mayadaan ka dhintaaye
Kolna hay maqashiin

Inagoo kala maarmin
Marna hayga maqnaan

Miyirkaygiyo maankaad
Habeenkii mirataayo
Mawdkii baad i horkeentay
Nafta meel marinaaye
Marna qudhoon ku arkaa
Baa malab iiga macaan

Inagoo kala maarmin
Marna hayga maqnaan

Madheedhaaliyo Hawd baad
Mushmushaaxi lahaynde
Marsin geel ka cabbaayaad
Wax ka maali lahayd
Miyi baan aqal weyn
Kaaga muujin lahaa

Inagoo kala maarmin
Marna hayga maqnaan

Exit mobile version