VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida dhibicda roobka - Lyrics

Dhaayihii naftaydaay Markaa aan eegee Indhaha ku saaraba Waxaan iila bilic tahay Door soo hilaaciyo Sida dhibicda roobkoo Saacoo dalaawii 2× Runtii waxaan la dhaygagay Sida eebe kuu dhigay Ee kuu dhameeyiyo Midabkaaga dhaydaa 2× Dabarkaaga nuurka leh Timahaaga kala dhigan Dhexda soohan geenyoo Tabtii caashaqaagii Uu iigu dhamaadee 2× Aan dhiiga kuu shubo Adna ruuxda keen Wadnayaasha dhaladeey Dhaladeey Ha inaga dhexeeyo Wadnayaasha dhaladeey Dhaladeey Ha inaga dhexeeyo 2× Wali gabadh kumaa maqal Dhayana kumaan arag Boqolaal sano may dhalan Mid aan kuu dhaweeyaa Dhinacaaga joojaa Dhalintaan da,daadiyo Hablihii dhaqaaqee 2× Runtii waxaan la dhaygagay Sida eebe kuu dhigay Ee kuu dhameeyiyo Midabkaaga dhaydaa 2× Dabarkaaga nuurka leh Timahaaga kala dhigan Dhexda soohan geenyoo Tabtii caashaqaagii Uu iigu dhamaadee 2× Aan dhiiga kuu shubo Adna ruuxda keen Wadnayaasha dhaladeey Dhaladeey Ha inaga dhexeeyo Wadnayaasha dhaladeey Dhaladeey Ha inaga dhexeeyo 2×
Queue is empty
-- / --