Heesta Calan - Lyrics
Calan muuqloo
Cisilaa tahay
Caaraf khayrliyo
Curad baa tahay
Caawa dhaladiyo
Caqli kaaboow
Caadil barinaye
Cimrigaa raag
Markaan cadawgii
Ciiddiii galinee
Cudud xoog badan
Ku caburiniyoo
Waxaan ciil baxay
Cishadaad timid
Markaad curataa
Cirkuba hibo furay
Dhulka ciiriyo
Caano laga helay
Heesaha caanaa
Laguu curiyee
Calankaygoow
Laydha la ciyaar
Calan midabloo
Cawalaa tahay
Cirka u egoo
Caafimaad dhala
Mid canaaniyo
Cay ma gaydidee
Caadil barinayee
Cimrigaa raag
Markaan caqligiyo
Xeer cuskadayoo
Diin caqiida leh
Ku cawayniyoo
Waxaan ciil baxay
Cishadaad timid
Markaad curataa
Cirkuba hibo furay
Dhulka ciiriyo
Caano laga helay
Heesaha caanaa
Laguu curiyee
Calankaygoow
Laydha la ciyaar