VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xadrayn jacayl cod kaliya - Lyrics

Xuuralcayntii janadaay xabiibi
geenyo xasuus igu reebtay baa tahee
Qalanjadii xaadayda kicisaay
Xidigtaan dumarkaba xushaay

Xubiyee jacayl xaddhaaf
Xiska iyo qalbiga ku xeertoo
Xidadada dhiiga xanbaara
Xinjiro isku noqdee xadhibateen

Xiriirka dhaxdeena yaal
Ku xamdiyay alla dooqa soo xulay
Ku xadreeyay jacaylka xasilay
Xiisaha kalgacayl xagaaga
Xoojiyoo kaba dhowr xumaan

Xuuralcayntii janadaay xabiibi
Xariir gob xubno jalaqsanaay
Xigtooy qurux ku xaragoootaay
Xurmo iyo sharaf lagu xusaay

Xaasheey ka dhowr xajiino
Xuray caashaqa oo xushmeeyoo
Kaa xigsaday xawaleeda idiloo
Xaqdhowr badan isiiy xalaaloo

Xiriirka dhaxdeena yaal
Ku xamdiyay alla dooqa soo xulay
Ku xadreeyay jacaylka xasilay
Xiisaha kalgacayl xagaaga
Xoojiyoo kaba dhowr xumaan

Queue is empty
-- / --