VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waqtiga - Lyrics

Waa duni waxtarkiisa iyo Dantiisa qofkaad wadaa Adiga si cad kuu wanjaloo 2x Ogow waxa jira naflaha Wajiyo badan qaar lahoow Wanaaguba aan xajin Ogow waxa jira naflaha Wajiyo badan qaar lahoo Wanaaguba uga daro Waligaa ma malayn kartidee Ha u qaadan si weyn qof kale Si waafi Adoon u baran 2x Jacaylkii ahaa waxyiga Dadbaa weer moodayee Wakhtiga ha iska siin mar kale Qof aan u qalmin wadnaha Wakhtiga ha iska siin mar kale Waligaa ma malayn kartidee Ha u qaadan si weyn qof kale Si waafi Adoon u baran Jacaylkii ahaa waxyiga Dadbaa weer moodayee Wakhtiga ha iska siin mar kale Qof aan u qalmin wadnaha Wakhtiga ha iska siin mar kale Qof aan u qalmin wadnaha Waa duunyo wacaasha iyo Warkiisa qofkaad xafido Ceebtaada banaan ka wado 2x Dadkuba waa wada xariir Wugiyo maalmaha horee Dhowr wajiiluhu yuu ku dagin 2x Qof aad dad walaashataa Marbuu waran kuu tuntaa Wadkaaga la qeyb noqdaa 2x Jacaylkii ahaa waxyiga Dadbaa weer moodayee Wakhtiga ha iska siin mar kale Qof aan u qalmin wadnaha Wakhtiga ha iska siin mar kale Waligaa ma malayn kartidee Ha u qaadan si weyn qof kale Si waafi Adoon u baran Jacaylkii ahaa waxyiga Dadbaa weer moodayee Wakhtiga ha iska siin mar kale Qof aan u qalmin wadnaha Wakhtiga ha iska siin mar kale Qof aan u qalmin wadnaha
Queue is empty
-- / --