VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sixir jacayl - Lyrics

Allahey sahlee Mas'allooyin iyoo jaceyl soconayaa Sibiriq igu ridee sadkaa siiyay markii La i saaqayoo Si fudayd ah buu Iigu sare tegoo Anba waan sigtee Sidaan ahay bal eeg? Caad iyo sir baad hadalka u sartoo warka saaftayoo ima seegganee Waa sixir jacayl mana soo dhaxee anba saban horuu sidaa ii galuu saranseeran iyo sahwi igu ridee Sabab caashaq bay sare kicisayoo salka kama fadhiya oo waana lay sitaa Saqdadhexe hurdada amba selelayoo maan saadsannine waa wax i sugoo i sinbiidhayoo si yar igu helee Qalbi saafiyiyo wadne dhiig socdaba safiyaay illayn waan ka simannahoo Siduu kuu hayaa anna lay suroo saableyda iyo seedaha dhammaan Ku samaysanyoo Igu sare tegyee Aday sama faloo daacad u socdoo surmi aan qabaad iga saartayee Abaal aan sugiyo sahay baad tahee Mahad samir wanaag- -na is raacso oo anoon kaa samrayn adna igula soco Anba subax horaan kuu sahan tegoo adoo ila socdaan ku saadaaliyee Samadaa furneyd sidaan wax u arkoo waad igu sintood iina samirtayee sidaad jeceshihiyo waa samo warkii
Queue is empty
-- / --