VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mid Hanaan wacan - Lyrics

Mid hanaan wacanoo Haybadiisu dhantaan U hiloobayoo Waan u han qaarana hee Sidee baan u helaa. .......... Hawli waa ta if koo Hurdo aad u nacdee Hiyigii ka caybaa wali Haabanayee sidee baan u helaa. ............ Habeenkoo badh tagaan Ku hawaawiyayaa Ku ha daaqay anoo Magiciisa hayee Sidee baan u helaa. ............................. Hoheey ciilkii batiyo Cadho kaama hadhee Naftu mawdka hortii Waa u hogaansantee Sidee baan Ax u helaa. ............... Hayni waa ta Alloo Hagar beelku yahee Naf habaar qabtabaa Ku hawshoota dhulkee Sidee baan u helaa. ..,........................ Mid hanaan wacanoo Haybadiisu dhantaan U hiloobayoo Waan u han qaaranahee Sidee baan u helaa. .............,... Hawli waa ta if koo Hurdo aad u nacdee Hiyigii ka caybaa wali Haabanayee sidee baan u helaa.
Queue is empty
-- / --