Naftaydaay samir ka yeelo
Waxaad sugaysoo la waayay
Marnaba adigoon saluugin
Wuxuu rabigay saxeexay
Kurbiyo salfudayd ka baaqso
Bariyo saadaasha fiican
Nasiibkaa seegi mayside
Sidaad rabto way ahaane
Samaantiyo talada qaado
Sahwiga ruux kaa daweeya
Qalbiga saxariir ka dhawra
Kalsoonida kuu siyaadsha
Ayaa rabigay ku siine
Intaad sugto waayo guusha
Sadkaa dhawroo ha quusan
Naftaydaay sarta quudo
Hurdada seexoo hadiidin
Dadkana adigoon kasoocmin
Cidlada saaxiib ka yeelo
Midkuu sadrigaagu raacay
Adoo awgii silcaaya
Hadaanu ku saacidaynin
Su'aalo badbaado eebe
Ilaah sacabada uhoorso

Exit mobile version