Sida meel tigaadloo
Dhirtu taan baxeeysoo
Xareedii baliga tiil
Onkodkiina galab da’ay

Sida loogu toosee
Loo tiigsadaa
Anigana tufaaxii
Iyo timirta caashaqaan
Soo taabo leeyahay

Fili meyn tabaaladan
Tahli waga igu dhacay
Fili-meyn talaabadan
Sidaad iigu tacadiday

Warankaad ku taagtiyoo
Tiiraanyadaadii
Halka ay la taal
Ku tusaye nafteydii
Hadii aad wax tari lahayd
Ama aad ka tagi lahayd
Adigeey adigeey
Adeey talo ku joogtaa

Sida sheekh turxaanli’i
Towxiidkiyo salaadii
Towbadii Ilaaheey
Wajigiisa ugu tagay

Sida loogu toosee
Looga wada tuf qaataa
Anna tamaaradeydii
Waa kaley nasiiboo
Farxad kuula taagnahay

Fili-meyn tabaaladan
Tahliwaaga igu dhacay
Fili meyn talaabadan
Sidaad iigu tacadiday

Warankaad ku taagtiyo
Tiiraanyadaadii
Halka ay la taal
Ku tusaye nafteydii
Hadii aad wax tari lahayd
Ama aad ka tagi lahayd
Adigeey adigeey
Adeey talo ku joogtaa

Exit mobile version