sargooyada ILAAHBAA
kala soocay uunkee
inta gabadh ilwaadiyo
qurux loo agaasimay
habkii ugu sareeyee
awgaa lagu xasuustiyo
astaantii kalgacalkaay
adigaan aduunkiyo
ifka kuugu jecelee
rajo waxaan odorosaa
inagoo aroosnoo
hanbalayada isdaba joog
ubax nalugu daadshee
unugii kalgacalkaay
amaan waxaan u huraya
waalidkii u hawlgalay
ilhaan ababintaadee
inagoo mataano ah
ifka waayo ila joog
ilhaan maalmo ila joog
ayaanka iyo hoodada
aadmigu ma wada helo
aynigeed u mudaneey
udgoonkaaga hibada
deeq weeye eeboo
adaa dhaxal u yeeshee
aayhihii noloshaay
adigaa amaaniyo
sharaf iga astaahila
waxay inoo ahaan layd
irmaan xiisaheenii
ubad inuu ka beermoo
istareex ku daawano

Exit mobile version