Heesta Dadyahoow - Lyrics
Dadkan wada siyaasiga ah
Dhamaan wada suxufiga ah
Sadkooduna dhoofsanyahay
Dadkan wada sameecada ah
Dadkan saarbaa ku dhacay
Ma ogi meel loo sitee
Dadkani silicbay muteen
Saakana dabinbaa u galay
Dadyahaw waa iga su'aal
Naftoo been lagu sabiyo
Runtoo laga sii siqaa
Sahwigu guul idiin miyaa
Hadaan sidan laga badalin
Hadaan RABI siini khayr
Ogow sahandanbiyo hadhaw
Inay saakuun ka dari
Micnuhu waa nolol ha sugin
Samaanta nimaan jeclayn
Wuxuu sahadiyo helaa
Wuxuunbaa lagu salidi