Mursal muuse :
Jacayl iyi xarakdii
Anoo  xidid  dheer ku xeray
Amaan iyo xoolo badan
Anoo  kaligay xarada

Anoo xamash iyo garboodka
Hortayda ka buuxsadoo
Intooda macaan ka xula

Yartii xiisaha ka galacal
Naftayda ku xeertayee
Hanaaniyo korin haboon
Inaa thaay gabar xishooda
Anaa ku xaqiijiyee
Hadmaan ku xalaashadaa

Khadra silimo:
Xagaa iyo deyr dhaxdood
Habeen xidigaha samaddu
Xayaable an jiran
Anoo helaysanaaya

Markaan xaaxiga baduna
Dabaylahja xaadhiyaan
Xagayga usoo ruxaan

Yarkii xiisaha kalgacal
Naftayda  ku xeedhayoo
Hanaaniyo korin haboon
Waxa tahay inan xishooda
Inaan is xalaalshana
Xabiibi anba waa rabaa

Wada jir:
Yartii xiisaha ka galacal
Yarkii xiisaha kalgacal
Naftayda ku xeertayee
Hanaaniyo korin haboon
Inaa thaay gabar xishooda
Waxa tahay inan xishooda
Anaa ku xaqiijiyee
Hadmaan ku xalaashadaa
Inaan is xalaalshana
Xabiibi anba waa rabaa

 

Exit mobile version