Naf ku jecel aduunyada
baa u wacan wax nololiyo
Nabad lala wadaago
Nimco lagula waaree
2x

Ma mugliye kalgacalkaa
Naariyo ka daran olol
Markuu nudayga kaa galoo
Nabar weeye halisee
2x

Ee taa nabdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Hayga moodin nacasnimo
2x

Anna haddii aan ku naawilo
Naqba waa la dhawraa
Nasiibku hay isku keen simo
2x

Nacab iyo sokeeyaba
Neeftaydu diidoo
Ma nastoo jacaylbaa
Nadi ila haleelee
2x

Igu noqay mid halisoo
Kaba nuuxsan waayee
Naafoo qalbigiibaa
Nudub iga samaystee
2x

Ee taa nabdiga gali
Oo soo noqnoqoshada
Hayga moodin nacasnimo
2x

Anna haddii aan ku naawilo
Naqba waa la dhawraa
Nasiibku hay isku keen simo
2x

Neecow da'aysoo
Onkodna nawda ka hayaa
Iga heshay nugaaloo
Kaligay ku noolee
2x

Adna kaymo baadliyoo
Dhul naruuro joogtaa
Naxdin li'i ku hurudaa
Nabsi dhowri meyside
2x

Ee taa nabdiga geli
Oo soo noqnoqoshada
Hayga moodin nacasnimo
2x

Anna haddii aan ku naawilo
Naqba waa la dhawraa
Nasiibku hay isku keen simo
3x

Exit mobile version