ragba kii ideeqoo
dookhayga caashaqu
midku doortay weeyo
naftayda dabiibiyo
daawadeeda tahaye

waxan ahay daraada
qof jacaylku daashaday
ka gam oo lurkaygani
bal dareemin waxaan qabo

dadba luuxa ku nugul
dhibta inaad ku daysaa
darajiyo lib maahee
damiiryeelo ii tudha
ha iloobin dumariyo
qof ku doortay inan ahay

qalbigani ku door biday
inaad nolosha daristaa
hadu dugsado kashkaage
bal u xido daryeelkiyo
wax dajiya mar uun
dahrigayga kugu falan
doonistiyo jacaylkiyo
ku xaqsii dadnimadoo
ha igu sidin nacab

Exit mobile version