Miyaad la bugtaa dareen
Miyuu kugu baahayaa
Miyaad baaxaa dagtaa

Miyaad isu baahantihiin
Oo miyaad isu baqaysaan
Badh kaa maqan kii ahaa

Sidayda miyaad bas tahay
Bishii dhalataba miyaad
Jacayl ku baraarugtaa
Aroos ku bariidsataaye

Miyaad baafisaaa wax tagay
Miyaad beenisaa wax jira
Miyaad baadhaa wax maqan

Miyaad qalbi baanataa
Oo miyaad niyad baashirtaa
Beer kaa maqan oo ku tabay

Exit mobile version