Midab aan cadaaniyo
Cawlaan ahaynoo
Daymada cajabiyoo
Lagu caajisayn iyo
Waxa tahay mas ciideed
2x

Wali waa caruuroo
Waa laan curdina oo
Wali waa caruuroo
Waa laan curdina oo
Waxaa loo carbinayaa
Sidii faras colaadiyo
Col kaloo cugtamayee
Waxaa loo carbinayaa
Sidii faras colaadiyo
Col kaloo cugtamayee

Suniyaha carceeree
Cidhifka isla gaadhiyoo
Indha cawl la moodo
Caashaqa abuuraa
Igu beeray cudurkee
2x

Wali waa caruuroo
Waa laan curdina oo
Wali waa caruuroo
Waa laan curdina oo
Waxaa loo carbinayaa
Sidii faras colaadiyo
Col kaloo cugtamayee
Waxaa loo carbinayaa
Sidii faras colaadiyo
Col kaloo cugtamayee

Exit mobile version