dheeman waa fardawsoo
waa dhigood u roonoo
waa dhabeel qurxoonoo
waa dhashii kismaayiyo
wajeer dhinacyadeedee

dhaxdin kay u noqotoow
adna dhawra oo dhawr
dhibna yay dareemine

farxad dhaba u dhaxalsii
ha u banaynin dhaxantoo
u jecloow sidii dhaba

oo dhabtaada saaroo
waligeed dhinaanshiyo
dheeliba u diidoo
marna sidii dhalaankii
dheelsii nafteedoo
dhinac kaleba yay dayin

Exit mobile version