Markaan dookhaa
Dabcigaaga
Kugu doortay
Een ku doortay
Saw naf daalan
Naf dayawday
Maad daryeelin
Oo daryeelin

Qalbi didsan
Oo ka dayrshay
Kana diiday
Dumar caashaq
Markaad dagdag
U dawaysay
Durba xiisuu
Dib u keenay

Naf dabiibee
Dalabkaaga
Mar ma diido
Ku dawoobay
Ku dag maanku
Dabuubtaadee
Qalbi dooje
I dalxiisi

Kaama daahoo
Dayac oo dhan
Kaaga dayrni
Kal daweeyay
Farxad daara
Ii dulqaadle
Kaalay daawo
Doog cagaaran

Saw dadaalka
Dirsanaantu
Ima diirin
Saw dareenka
Aad dareento
Ma dareemo
Inaan doorkan
Dadab taagno
Saw ma doono

Exit mobile version