VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dadaal iyo dareen - Lyrics

Markaan dookhaa Dabcigaaga Kugu doortay Een ku doortay Saw naf daalan Naf dayawday Maad daryeelin Oo daryeelin Qalbi didsan Oo ka dayrshay Kana diiday Dumar caashaq Markaad dagdag U dawaysay Durba xiisuu Dib u keenay Naf dabiibee Dalabkaaga Mar ma diido Ku dawoobay Ku dag maanku Dabuubtaadee Qalbi dooje I dalxiisi Kaama daahoo Dayac oo dhan Kaaga dayrni Kal daweeyay Farxad daara Ii dulqaadle Kaalay daawo Doog cagaaran Saw dadaalka Dirsanaantu Ima diirin Saw dareenka Aad dareento Ma dareemo Inaan doorkan Dadab taagno Saw ma doono
Queue is empty
-- / --