Ishaartay dhigeed ka astaystay
Hablihii kale aayar ilaawey
Abuurnay jacaylka abqaalney
Is aaminka ruuxda adkeynay

Markaan is aroosnay ahaatey
Ahaatey ahaatey
Markaan aqal taagnay islaama
Islaama islaama
Ayaantaan ku beegnay ayaansan
Dharaartaan abaarnay aroorsan

Kolkaan is agjoogno bal eega
Quluub isku uursan bal eega
Indhaha farxadooda bal eega
Alaylahee caashaqan eega

Kolkaan is agjoogno bal eega
Quluub isku uursan bal eega
Indhaha farxadooda bal eega
Alaylahee caashaqan eega

Awgii kalgacaylka u oynay
Awooda jacaylka astaynay
Astaamaha guushu is muujee
Dadkiyo ehelkeenu amaanee

Ilays noloshayda iftiinshay
Iftiinshay iftiinshay
Sidii ubax weeye udgoonka
Udgoonka udgoonka
Allaa iigu deeqay edebsan
Asluub Dhaqan fiican akhlaaqsan

Kolkaan is agjoogno bal eega
Quluub isku uursan bal eega
Indhaha farxadooda bal eega
Alaylahee caashaqan eega

Kolkaan is agjoogno bal eega
Quluub isku uursan bal eega
Indhaha farxadooda bal eega
Alaylahee caashaqan eega

Exit mobile version