hadaan hagar li i jaceylkana
hareertaydii adkeeyay
howraartiyo erayo suuban
hadaan kula hor joogey
hankii kugu dhaadanaayey
hadaad u horseeday dhiilo
hortooda biyaan arkaayoo
walee ruun baa dambeysa
hadaan kugu hadal badnaadey
hadaan kugu dabo haraadey
kaa hadhey maantaba warkaaga
hadaan hanashada naftaada
nafteyda uhuroo ku doonay
heedeeduumbaan dhamaane
hog dheerbaad ii qodaysay
heeryadaa cashaqu isaaray
ee aan hibashada la taahay
hadaad heersare ku aadhey
hiilkii nabsigaa dambeeya
hadaan kugu hadal badnaadey
hadaan kugu dabo haraadey
kaa hadhay maantaba warkaaga

Exit mobile version