Hawshiisa jacaylka
Intaan ku harraaday
Intaan hammigiisa
Habeenkii latooosay

Haddaad huq i gaadhay
Hoheey iga baanan
Naftani harsan weyday
Haddaad hananayso
Ma ooyin ma ooyin
Ma oooyine huunno 2×

Kashaan u hilloobin
Hawraarta ka yeedhay
Hankay kobcinayso
Ayaan hiqda dayne
Ma ooyin ma ooyin
Ma ooyine huunno
Hawraata jacaylka
Haddeer ila qaybso

Sidii hogal rooboo
Galbeed u hayaantay
Rajada helistaada
Intaan ku hungoobay

Sagaashan haweena
Hogbeey dhigi lahaydee
Macaan hadalkaaga
Ma oooyin ma ooyin
Ma ooyine huunno

Hafeeftii igaadhay
Hubaal waan ka raysan
Haddaan hooy xalaala
Habeen kula seexdo
Ma ooyin ma ooyin
Ma ooyine huunno
Hoobaanta jacaylka
Haddeer ila qaybso

Exit mobile version