Nama maleeyana waa Ilaah
Nama maleeyana waa Ilaah
Malaha ragbaa lagu meel maraa
Noo maleeyo meel na mari

Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa
Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa

Waan dhintaa waan meel maraa
Dhaayahahga kaa jeclaayee
Waan dhaqaaqey hadaad I tidhi
Dhagar islaambaan soo duwi

Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa
Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa

Ala haduu xoolaha jin helo
Wey cadaa lagu jeel baxshaayee
Oo jacaylku nimuu hayana
Naftay jamataa uu Dawo ah

Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa
Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa

Ala karuuro kuwii fadhiyey
Ala karuuro kuwii fadhiyey
Kaadhkii waa loo goynayaayee
Soo kulaalaqa yaa yidhaa

Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa
Heeyaa aadoy huunooy yaa
Ala hobaaliga hoobalowbaa

Exit mobile version