Hadal uu qof igu yidhi
Heestayda kuma daro
Hal dhanbaa la siistaa
Kama tago hubsiimada

Ruux igu habsaamoo
Halkii maalin aan Maray
Aan hiigsan karahayn
Hor allee dadweynoow
Hadal ma u banaan yahay
Hor allee dadweynoow
Hadal ma u banaan yahay

Hanjabaada Kama dido
Wadnahaygu hawd iyo
Ma yaqaano heetayn
Qofka soo hantaataca
Haadkayga soo gala
Hawadaan ka xidhayaa

Waan kaa horeeyaa
Waanan kaa hanweynahay
Ha ku dadan dulqaadkee
Holac iyo dabbaan ahay

Adoo haysta nabadoo
Hadhac iyo ku lada baroo
Gogoshaadu hoos taal
Yaan hawl laguu diran
Halistana ha baayicin
Yaan hawl laguu diran
Halistana ha baayicin

Hanjabaada Kama dido
Wadnahaygu hawd iyo
Ma yaqaano heetayn
Qofka soo hantaataca
Haadkayga soo gala
Hawadaan ka xidhayaa

Exit mobile version