Maalintaad baxeysee
magaalada ka dhooftan
muxibbo kugu jaleecoo
Miyrkaan lahaa iyo
maankii ku raacyee
Inta intad iga ag maqantahay
ma seexdo habeenkii
waa soo mirkacaya
Meel aan dhaweyn baa
iga muuqaneysaa
Yaa madi ahaninee
marwadaan jeclaayee
kala maarmi meynee
maruun nabad ku soo noqo
Magacaaga inanta leh
marka loogu yeeree
maqlaan soo hinqanaya
Mudadeydu badanaa
muuqaagu dheeraa
Inta intad iga agmaqantahay
ma seexdo habeenkii
waa soo mirkacaya
mugdiguna habeenadan
ila sii madoobaa
Yaa madi ahaninee
marwadan jeclaayee
kala maarmi meynee
maruun nabad ku soo noqo