VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Yartu boqoradii mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ismaaciil Aarka
Yartu boqoradii

Yartu boqoradiyo boqoradiyo
Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa

Gabadhani banaadir beelaha dagiyo
Cisho sharfluu Alle ka beerayoo
Dhamaan soomaaley ku barbaartayee
Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa

Waa mid baariyoo quruxloo bulshoo
Basar iyo asluub isku biirsatoo
Bilistaba dhamaan ugu bilan hablaha
Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa

Tafiir barakeysan weeyi
Aabaheed geesi weeyi
Hooyadeed gacalo weeyi
Geenyadii bureeqo weeyi
Geenyadii geenyadii
Geenyadii bureeqo weeyi
Yartu boqoradiyo boqoradiyo
Yartu boqoradiyo ma bil dhalataybaa

Geesi loo bogoo
Boqor kuu qoroo
Boqol geela iyo
Iyo baarqabkii
Faras booda iyo
Bunduqii hablaha
Laga bixin jiruu
Dhaban uga baxshoo
Aroos bile fiican weeye
Duco baaxadeed
Laga baray xijaab

Aroos bile fiican weeye
Helele heliyaalo heliyaalo
Abtirisiin ka buuxdoo
Helele heliyaalo heliyaalo
Farxad wada buuxda weeye
Helele heliyaalo heliyaalo
Barwaaqiyo bari samaa
Ayaanku ku beegay weeye
Barwaaqiyo bari samaa
Ayaanku ku beegay weeye

codkii Ismaaciil Aarka