VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Caashaqa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Iqra Yareey
Caashaqa

Sow jacaylkaan ila dagay
Adna kuma damqaayoo
Sow dookh iskeen baday
Dareenkeena muu simin
Sow sow doonistaan qabo
Adna kuuguma darnoo
Sow doonta caashaqa
Dakhar kulama qeybsado
Dakhar kulama qeybsado
2x

Dambarsaday kalgacalkre
Anoon daacad u nugul
Sow duubi kuma dabmin
Anba waan durduurdee
Anoo adiga kaa daran
Saw darartiisa maan cabin
2x

Najaxeey ha doogsadee
Wax duduuca ka ogow
Isku duubnideeniyo
Alle nagama dumiyee
Caashaqa ku soo durug
Ku soo durug
Caashaqa ku soo durug
Anba waan dugsanayaa
Isku duubnideenoo
Cabdoow ma diidi karee
Ha u baqan ha u baqan docdaydee
Caashaqa ku soo durug
Ku soo durug caashaqa
2x

Sow duraansigaan qabo
Adna kuguma damqaayoo
Sow damaca lahanshadu
Dul ahaan inama simin
Sow sow doorka caashaqu
Kolba kuma dayeeyo
Adna doogta igu ladhan
Dartaa ulama sii lumo
Dartaa ulama sii lumo
2x

U darsaday gobaadeey
Deymadaada aragoo
Dadkaan kuugu jecelahay
Anba maanku dagi waa
Doorka aan ku waayoo
Sow dunka kuma daboolo
2x

Najaxeey ha doogsadee
Wax duduuca ka ogow
Isku duubnideeniyo
Alle nagama dumiyee
Caashaqa ku soo durug
Ku soo durug
Caashaqa ku soo durug
Anba waan dugsanayaa
Isku duubnideenoo
Cabdoow ma diidi karee
Ha u baqan ha u baqan docdaydee
Caashaqa ku soo durug
Ku soo durug caashaqa
2x

codkii Iqra Yareey, Qoomaal yare