dhaqankeeni hore iyo
hidaheena soo jiree
hanbalyadu ku dheehnayd
adiga heleeloo
caashaqa loo diree
haasawaheeniyo
hadaladii wacnaadiyo
hiiralaha laabtana
wixii hibo la soo maray
maantay haboontahoo
jacayl hooyadii tahay
haniyey hanaaniyo
quruxbaa ka hodantoo
rabi uu kuu hibeeyo
halkii aad ku dhalatay iyo
kaaran ban ku soo hiran
habsami u socodkiyo
dabciga hub aadka
naftii aad ku hanataa
hilow kuu qabtoo
hadhsan wayday kalinimo
had iyo jeer adaa hela
nasiib aad ku huridoo
haween ugu horaysoo
sida uu hankeed rabay
caawan haleelno
jacayl hooyadeed tahay
haniyey hanaaniyo
quruxbaa ka hodantoo
rabi uu kuu hibeeyo
halkii aad ku dhalatay iyo
kaaran ban ku soo hiran