inanyahay naftaan
kugu aamiinaa
kuu oynaysee
inaad aamustaa
ma ayaankay

inaad umul mid kale
la awaawidoo
arimaha jacayl
la abaabushana
ma abaalkaybaa

aragsaneey indhahan
adimada hagaa
aragaaga wacan
kama oon baxaan

inanyahay aduun
EEBEHEEN baxshaad
u afduubantee
armay kula go'daa
waxbaad aaminte

hadaan ahay ilwaad
ubax kuu il nugul
ama kuu il daran
eebada caashaqa
ma igu eegaysaa

Exit mobile version