idiileey ina adeer ilwaad quruxay macaan dharaartaan
ku arkayoo wadnaha olol i iga shidee
afkaaga layaabka badan indhaha sida deerada
quruxda asalka filkaa sidii ubaxii jig jiga
aadbaan uga helay runtii
illaahbaan kuu baryee aduunyada nabad ku joog
illaa cana ka asturan hadaan amar kugu helin
uurkaan beerkaan wadnahaan kugu haynayaa
aleel qurux lagu ebyaay waxaan isla aadi lahayn
awaariyo irid dhaboo intuu roobkii onkoday
dhulkuna wada aaran yahay
ugbaadkiyo geedihii aleeladu wada baxdoo
naftii eegtaa wax badan ilowda mahadhado
jacayl ku abuur mayee

Exit mobile version