sidii hogol roob
jacal i helyoo
hudada iga jaray
habeen maladee
hanaan wacanoo
horyaalkii ragoow
naftayda ka heshee
ma kaa harayee
hio hadhaclaan
haraad udhintee
hadaanan ku helin
hogbaan galiyoo
habaaskiyo ciidaa laygu habsiine
anoo hamigayga
haweenka baxshaa
markaan ku habsadey
haw laygu yiree
hablihii hore baad
habkoon u egtahoo
alla ka hibeeyey
hida dhaxshee
hiba isidoo
habaabka cidlee
waxaan hinqadaa
markaad hadashee
halbowlaha dhiiga
muu habayoo
waxaan harsadaa
markaan ku helee
sidii ilmo hooyadii ka tagtoo
horaadka la siinin baan hinqada
hawaawirayoo hubqaad idishee
hadaanad hab isiin ma hiil baxayoo

Exit mobile version