VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Samir aan lahaano - Lyrics

Sacna waysha uu dhalo
sanka kalama rooroo
sidii kama jeclaadoo
sidaasaan ka dhiganoo
isa sudhan waxaan nahay
sokeeya walaalo ah

Sanadkaynu joognaa
sideed guuro weeyaan
sodon tahay bishiisiyo
waa sahan danbiyo shalay
sareedada Aduunyada
saacad kala wareegtee

Saartiyo inshaartii
la'isiiyey xalaybaan
suurtoobi waydee

Salku dhigi ayaankuye
samir aan lahaano

Ha igu samir darnaanine
adigoon sal fududaan
oon saluugin waayaha
aniguba saqiyo waa
sidaan kuugu go,ayaa
sahalkeeda kumaqanahay

Seddex igu walaahiya
kuma seexan waligay
siraan kugu dilaayee
sahwiyoo jacaylkii
siduu adiga kugu yahay
ayaan kuula simanahee

Saartiyo inshaartii
la isiiyay xalaybaa
suurtoobi waydee

Salkuu dhigi ayaankuye
samir aan lahaano

Queue is empty
-- / --