waa habeen ka wayn
habeenada kaloo
hareeraha cishqiga
laba wada hayoo
soo wada habaa
hoy wada galee
heelada u tuma

eheliyo anaa hanbalyaynayoo
hobolada dalkaa
wada heesayoo
reerbaa hir galay

nolol horumartoo
hana qaaday iyo
ubad lagu hirtiyo
inamiyo hablaba
laba kala heloo
noqda hoodo badan

waa reer haboon
iyo raas hudmoon
waa haldhaa ayaan
waa haybadlay
nin helaa nasiib
ka hinqada jacayl
oo haabtay guur

waa maxamed hanad
hoodaaluhuye
sow haybadlay
inta uu hantiyay
lama aanu hoyan

Exit mobile version