Xarunii badhaadhaha
Barwaaqada aduunyada
Boqor kuugu deeqiyo
Lafaciise waa balad
Boqorkeen ha dhowree
Lafaciise waa balad
Aadmigu u wada bogay
2x

Booqashada dalxiiskiyo
Badarkiyo wax soo saar
Bartii lagu yaqaanee
La inagu bogaadshiyo
Waa deegaanka bilicdii
Waa deegaanka bilicdii
2x

Hobeey afrikaan u barinee
Haway kula baratanaayoo
Hobeey lafaciise waa baladee
Hobeey ka balaadhan qabalee
Hobeey lafaciise waa baladee
Hobeey ka balaadhan qabalee
3x

Baradii aqoontiyo
Beeriyo wax soo saar
Baxsan lagu yaqaaniyo
Buqcad nabadi taaloo
Barakeysan weeyaan
Buqcad nabadi taaloo
Barakeysan weeyaan
2x

Baydkii wax qabadkee
Abaaraha wax biiyiyoo
Baahida la dirirtaay
Bulshadii dedaalku
Kugu beeray weynuhu
Kugu beeray weynuhu
2x

Hobeey afrikaan u barinee
Haway kula baratanaayoo
Hobeey lafaciise waa baladee
Hobeey ka balaadhan qabalee
Hobeey lafaciise waa baladee
Hobeey ka balaadhan qabalee
3x

Exit mobile version