Ma ogtahay Bii iyo oon
Baahidaa kalgacalkaa
Beeryaheyga gooysoo
Adna barashadaadi
Bidhaan araga guudnimo
Baalna uma dhaafine
Waxaad tahay Bogeygiyo
Beerkiyo wadnaha
Nacab ugu baaqaye
Waxaad tahay Bogeygiyo
Beerkiyo wadnaha
Nacab ugu baaqaye

Ma ogtahay Bad iyo webi
Adigoo dabaal baran
Loomaba badheedhee
Baahida kalgacalkuna
Taaseey la baabtoo
Dadka laguma beeree

Ma ii baaqday sida beel
Baadiyo xareediyo
Loohelay Barwaaqooo


Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqaa
Sow la imakaa badin

Inanyahe nin bayrlihii
Runta lama badheedho
Bogan waa dantiisee
Hadba sida ban joog cawl
Ciirsiga banaanada
Kalidey ka baaqaa

Waxaad tahay bogeygiyo
Beerkiyo iyo wadnaha iyo
Nacab uga baaqee
==
Inan yahw basari iyo
Doqon baa nin beegsaday
Bar xun kaaga dhaqaaqde
Haka baqan badhaadhiyo
Mid uunbaad kuso bixi
Barashada khasaartee

Ma ii baaqday sida beel
Baadiyo xareediyo
Loohelay Barwaaqooo

Maxaan kaaga baydhaa
Ama kaaga baaqaa
Sow la imakaa badin
Inanyahay bidhaan iyo
Dumar baaxad iyo xoog
Bilic baad u sidataaa
Baashaada ila qabo
Bi’waaye howlaha
Waa la isla beyntaa

Waxaad tahay bogeygiyo
Beerkiyo iyo wadnaha iyo
Nacab uga baaqee

Wey laba bogley iyo
Arimahoo balaadhiyo
Taladooy igu baahdee
Aniguba bil iyo laba
Baaxaa dag mooyee
Hurdo kaama boganine

Ma ii baaqday sida beel
Baadiyo xareediyo
Loohelay Barwaaqooo

Exit mobile version