sida goraya cowl
ama gool irmaan
ama galowga ciya
waan goohayaa
gabadhan jeclaa
gami waayayoo
aniguba guntadayo
caashaqan ku galay
geed xididkii igu noqoy
lama diido gar
igamana gu weynide
waxaan ahay gayankaa
gacanban ku siiyee
ninba meesha gubaan
wuu garanayaa
hadaad mooday gabdhyahay
aduunyadu ma guuraan
waa geed hadhkii waa labada galin
cudurkiyo cadadaa kala guuraye
bal garaawso hadalkaa
sida goodir xadhig galay u goohay
golaheen sharafta leh u guxay
ma gun gaadhnay talo gacasho
guul laguma waabee
sida geenyo wacan
galab miraada ahyd
oon gaajo arag
guud qurux sanley
gabadhaana jeclaay
qalbigay i gobtoo
halbowluhu ma gayn
gabiyada wadnaha oo
ma gadhsiiyo dhiigee
arin kula gudboon
lama gees maree
ka gudoomayoo
gacanta ku siiyee
gali wayay socod
gabax idhi haraad
hadaad mooday guushu
iney tahay midan gudhin
waa gu iyo deeyr
gaajo iyo dherag
kala guurayee
bal garowso hadalkaa
gantaalihii jaceylkaa igaadhay
gartey ula jeedada gudoomay
soo gaabshay hadal gooyay
kuu gaba gabeeyee

Exit mobile version