daaloo tus helayoo
mayaay tumay arooryo
ooy cad ceedu taamiyo
ay u timi nin joogii
tilmaan kaan ku raacshee
indhuhu tabanayeeynow
ha iga tagine ii tali
tageero laba ruux
sidey tahay wax garashadu
mid uunbaa tukubiyee
tabcoo ubax ka baxayoo
tigaadina hadheysay
teel teel daruurina
tima sare ka fuushaa
ama togag biyo ahoo
tacab la'i u soconoo
ha iga tagine ii tali
tabcoo ubax ka baxayoo
sidey tahay wax garashadu
mid uunbaa tukubiyee
kama tagine caadoo
inta xays ku taagsaday
todobaad cagaagrkiyo
maadhii is tiigsaday
sidaa tahay naftaydii
kugu tuudhatay adigee
ha iga tagine ii tali
taagii masaaroo
tarantoo tumaatiday
dayrina ku tumatay
dhirtu kala tiimaamane
madheedhkii u baxay taag
tabkii igu ahaatayee
ha iga tagine ii tali

Exit mobile version