markay igu dhalatay
inaan dhoofo
oon tago dhulkaygee
mudo dheer aanan
saarin dhaayaha

farxadaan dhamaanayn
aanay jirin wax loo dhigo
baa la igu soo dhaweeyee

shacabkuna dhankoodii
dhanbaaliyo salaan
kalgacayl ku dhiganyahay
dhamaantood u dirayaa

wax se dheeriyaa jira
oo ani dhankayga ah
dhayal maaha hadalkuye
dhabuu iiga soo go'ay
igu dheere ruuxuye
naftu ka dhamaadee

waxaan dhaar ku marayaa
wax dhibaato kugu wada
inaan kugu dhawran aniguye

dhib wixii ku soo maray
suugaan aan dhamaanban
daawo kaaga dhigayaa

waxse dheeriyoo jira
oo ani dhankayga ah
arimahaas dhexdooda
barshadii ka dhalatiyo
igu dheere ruuxuye
naftu kama dharagsee

Exit mobile version