anoonbaa dhab moodoo
dhakhso ugu riyaaqee
show jacaylku dheel dheel
riyuu kaa ahaa dhaw

anoonbaa is dhiiboo
inuu dhaamo kii horee
nafta dhaymaheedii
qofaan jirin ka dhigayee

si yarbaad u dhayataa
dhaawicii ku gaadhee
qalbi nabar ku dhacay
dhakhtarkiisii lama helin

ragba anigoo dhigay
ka furaystay dhagahoo
dhibtii bari i gaadhay iyo
dhayda nabaradii hore

ayuu dhayal ciyaariyo
hoosiis ii dhex qaadoo
dhadhabasho beeniyo
ku dhiirada qofaan jirin

Exit mobile version