Heesta Laab dooxantaa - Lyrics
raga doorkii aan
ka dugsanayayow
naftu daa'im abid
daynayninow
waxaan doonayaa
inaan dadab galnee
daaqadaha rajada
ha daboolinoo
laab dooxantaad
daweedeedii tahay
dayro ha ka dhigin
dab ha igu shidin
ee ila dadaal
dareenkaygiibaad
duwatoo adaan
dadka kaa xushee
naftan aan doc kale
dabaysheedu marin
ee kuu il daran
usoo diir naxoo
dawadeeda garo