sahra Axmed

Dawadii nafteydoow
balaan kula dardaarmee
dabuubtaan ku leeyahey
ku daabaco qalbiga oo
waligaa hasii deyn
duushayee allow nabadey
qoraxduna dalaalimo ee
caashaqana daadihi
waliga hasii deyn

Xassan Adan

Darmaan taan jeclaayey
balaan kula dardaarmee
dantu wada jir weeyee
docdaada yey ka beylihin
anna teyda igu daa
dunida oo barwaaqa ahey
dalka nabad ku sii joogee
caashaqana daadihi
waligaa hasii deyn

Sahra Axmed

Dayaxii iftiimow
balaan kula dardaarmee
dumarkana adoo kale
ta heshaa ma deysee
dookhaaga ka adkow
duushayee allow nabadey
qoraxduna dalaalima ee
caashaqana daadihi
waliga hasii deyn

Xassan Adan

Deymada u rooney
balaan kula dardaarmee
kuwa loogu dow-galey
labadii is doortee
kala dila dadka is jecel
ayaaney isku keen dirine
dunida oo barwaaqa ahey
dalka nabad ku sii joogee
caashaqana daadihi
waligaa hasii deyn

Exit mobile version