maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan

bishuu magaceedu bilaha u mudnaa
macbuudku amaanay yaa ramadaan

maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan

miskiin iyo taajir bishii la misoobay
islaamku midoobay yaa ramadaan

maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan

qofkii ka masuugo bishuu murugoodo
ka maaroobo naarta yaa ramadaan

maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan

sidii mayay hooray bishii mum’miniinta
ka maydha dunuubta yaa ramadaan

maarhab marhab yaa ramadaan
wayaa marxaban bika yaa ramadan

qofkii ka memeera ka maaga xumaanta
bishuu ka macaasho yaa ramadaaan

Exit mobile version