naftaydaay ruux ku qaado
wanaagiyo qiimihiisa
qanaaco midkaad ka waydo
qalbiga boos yuu ku yeelan
qof baa jira aad u moodo
inuu yahay qaali ruuxa
hadana aan kuu qalmayne
indhuhu quruxday tilmaamaan
marbay ku qayaanayaaane
qalqaalada caashaqeedu
haday tahay qiiro beena
qushiye waa yeelkadaa dheh

qudhaydaay kaad jeclaatay
intuu kalgacaylka qoomo
haduu qubo xiisahaaga
ogoow calafkaan qadayne
waxaa jira ruux qabkiisu
qar iyo uu buuro ka tuuro
hadana talo qaadanayne
qisooyinka sheekadaadu
marbbay ku qayaanayaane
qalqaalada caashaqiisu
haday tahay qiiro beena
qushiye waa yeelkadaa dheh
indhuhu quruxday tilmaamaan
marbay ku qayaanayaaane
qalqaalada caashaqeedu
haday tahay qiiro beena
qushiye waa yeelkadaa dheh

Exit mobile version