sida canabka beeraha
ama kayn caleenliyo
dhul cagaarku simanyahay
caadiyo gar loo gubay
cosobkii ku yaaloo
cawshu gaardiyaysoo
cidi daaqin baa tee
cawo waxaa leh
ama ciil bixi lahaa
calaf nimuu ku siiyoo
cunto kula wadaagoo
gagol lula caweysaa
cirka oo daruurliyo
casar hogol daroortiyo
cadceed subax la moodyow
waxa iila cayn tahay
dayaxoo caweyskii
carigo mugdi ahaa
dhulkii wada cadeeye
cawo waxaa leh
cadradii nasiibiyo
calaf kuu aroostee
caruur kuu xanbaartee
gogol kula cayaarta
cududaha ku yaaliyo
cabaadhyihiyo laafyaha
caadilkii ku uumaa
qurux cayn la doonaba
inanyahay tin iyo cidhib
cadka kuu dhameeyoo
cayb kaa ilaashee
adba wiil codkara too
cilmi iyo aqoon loo
caqil taliya baad tee
ruuxaan caawo kula simo
ifka cagaha soo dhigay
cidi sheegi maysoo
adigay cajebiyee

Exit mobile version