shinbiryahoow heesa
hees wanaagsan heesa
hadhkaan soo faiirsata
kaalay hortayda shinbiryahow
hawl aan xulaayo
hagardaamadiisa
hawlahay luraaya
hiibatooyinkooda
hibo aan ku gaariyo
hoodo waayi maayee
caashaqa halbowle
waa hir soo kacaaya
ruux kastoo halyeeya
maalintuu haleelo
hurdo seexan maaye
boowe hayla yaabin
jacaylkii horeeyee
cilmiba haleelaa
anna ii hilaacoo
haama deyga raacshee
waa inaan halaaboo
haada la cayaaree

Exit mobile version